FAAHFAAHIN: Qarax dhimasho iyo dhaawac sababay oo Ciidamo Kenya lagula eegtay xaduudka Soomaaliya

Wararka ka imaanay xaduudka Soomaaliya iyo Kenya ayaa sheegay in Qarax culus oo miino maanta lagu weeraray kolonyo ay wateen ciidamo ka tirsan kuwa Kenya oo ku sugnaa agagaarka xaduudka labada dalka. Weerarka ayaa si gaar ah uga dhacay deegaan u dhowma gaalada  Dhadhaab ee gobolka Waqooyi bari.

Xogaha laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in qaraxa uu haleelay gaari ay saarnaayeen ciidamada Kenya, kaasoo gebi ahaanba burburay. Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxa ku dhintay ugu yaraan afar askari oo uu ku jiray sarkaal sare, halka in ka badan 10 kale ay ku dhaawacmeen. Dhaawacyada iyo maydadka askarta ayaa loo qaaday isbitaallo ku yaalla gobolka Waqooyi Bari ee Kenya.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi, iyadoo tilmaamay in howlgalka uu u dhacay sidii loo qorsheeyay.

Dhacdadaan ayaa kusoo aadaysa xilli ciidamada Kenya ay wadeen howlgallo amni oo ka dhan ah dhaqdhaqaaqyada Alshabaab ee ka socda xadka Soomaaliya iyo Kenya, halka ciidamada kale oo Kenya ay ah sidoo kale gaareen goobta si ay u sameeyaan baaritaanno iyo howlgallo dabagal ah.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed