Faahfaahin: kulan xasaasi ah oo golaha mustaqbalka iyo beesha caalamka ku dhexmaray Kenya

Waxaa xog dheerad ah ah laga helayaa kulan maanta Kenya ay ku yeesheen xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliya iyo Wakiillada Beesha Caalamka, kuwaas oo isugu jiray Safiirrada Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, UK iyo Mareykanka.

Kulanka ka dhacay galabta magaalada Nairobi ayaa la sheegay in diiradda lagu saaray xaaladda guud ee Soomaaliya Dastuur, gaar ahaan marxaladda xasaasiga ah ee siyaasadeed ee uu dalku marayo, iyo sidii xal degdeg ah looga gaari lahaa arrimaha Dastuurka iyo Doorashooyinka.

Shirka ayaa xubnaha Beesha Caalamka joogay waxaa ka mid ah ergeyga Midowga Yurub ee Soomaaliya Francesca Di Mauro, Safiirka UK ee Soomaaliya Charles King, iyo diblomaasiyiin ka socday Qaramada Midoobay iyo Mareykanka.

Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay kooxda musharraxiinta madaxtinimada, kulanka ayaa looga gol lahaa in “xalal degdeg ah” laga gaaro khilaafaadka muddada dheer ka taagnaa arrimaha Dastuurka dalka iyo hannaanka Doorashooyinka, iyadoo ay sii kordhayaan walaacyada la xiriira ismariwaaga siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, oo si kooban uga hadlay kulanka ay la yeesheen xubnaha Beesha Caalamka, ayaa sheegay in ay ka wadahadleen xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo baahida loo qabo in si degdeg ah xal loogu helo qodobbada la xiriira Dastuurka iyo Doorashooyinka.

“Kulanka waxaan uga wada hadalnay xaaladda Soomaaliya gaar ahaan marxaladda xasaasiga ah ee siyaasadeed ee dalku marayo, iyo sidii xal degdeg ah looga gaari lahaa Dastuurka iyo arrimaha Doorashooyinka,” ayuu yiri Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Waxa xusid mudan shirkan kama aanay soo muuqan Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed iyo Axmed Maxamed Islaam Madoobe, lamana sheegin sababta maqnaashiyahooda.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed