Faahfaahin kasoo baxaysa tacadiyo la xiriira raaf ka socda deegaannada Somaliland oo ajaaniib lagu waxyeelleeyey

Waxaa maanta warbaahinta lagu xariiro qabsaday Muuqaallo muujinaya tacadiyo kala duwan oo loo geystay sida la sheegay qaar kamid ahaa qoysas qaxooti ajaaniib ah oo ku nool magaalada Hargeysa, kadib markii howlgallo ay sameeyeen ciidanka Booliska Somaliland.

Muuqaalada la baahiyay ayaa lagu arkayaa askar boolis ah oo jirdil u geysanaya dad rayid ah, kuwaas oo isugu jira haween iyo waayeel, iyagoo adeegsanaya qoryo isla markaana dhulka ku jiidaya. Qaar ka mid ah dhibanayaasha oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aysan helin wax cadaalad ah, islamarkaana aan la qaban askartii ku lugta lahayd falalkaasi, oo ay sheegeen in saraakiil sare ay hoggaaminayeen.

Sidoo kale, Dhibanayaashu waxay dalbadeen badbaadin degdeg ah, iyagoo tilmaamay in cadaadis sii kordhaya lagu hayo qaxootiga u dhashay dalalka Carabta, si gaar ah Suuriya ee ku nool deegaannada Somaliland, tan iyo wixii ka dambeeyay sheegashadii Israel ee aqoonsiga xukuumadda Hargeysa.

Dhanka kale, Taliska Ciidanka Booliska Somaliland ayaa war-saxaafadeed kasoo saaray dhacdadan, wuxuuna sheegay in howlgalku uu ku salaysnaa fulinta amar maxkamadeed oo ka soo baxay Maxkamadda Degmada Hargeysa, islamarkaana uu jiray waaran qabasho.

Si kastaba ha ahaatee, Taliska Booliska ayaa muujiyay walaac iyo ka xumaansho ku aaddan qaabka ay wax u dhaceen, wuxuuna xaqiijiyay in tallaabo degdeg ah laga qaaday askartii ku lugta lahayd, isla markaana uu socdo baaritaan dheeraad ah.

Booliska Somaliland ayaa mar kale adkeeyay in ay ka go’an tahay sida ay hadalka u dhigeen ilaalinta sharciga, dhowrista xuquuqda aadanaha iyo ku dhaqanka dastuurka iyo xeerarka u dagsan.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed