Faahfaahin kasoo baxaysa rakaab Baydhabo u socday oo lagu xayiray Garoonka Muqdisho

Tobanaan rakaab ah oo ku wajahnaa magaalada Baydhabo ayaa lagu soo waramayaa in lagu xayiray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kadib markii isbedel aan xog laga bixin uu ay ku yimaadee duulimaadyadii maalinlaha ahaa ee halkaasi tegi jiray.

Warbaahinta gudaha ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegtay in rakaabka xayiran ay ku jiraan mas’uuliyiin heer dowlad-goboleed ah, kuwaas oo saaka qorsheynayay inay u safraan Baydhabo, balse si lama filaan ah loo hakiyay duulimaadyadii.

Mas’uuliyiin ka tirsan Koonfur Galbeed oo arrintan ka hadlay ayaa tallaabadan ku tilmaamay “xayiraad safar” oo ay dowladda dhexe ku soo rogtay dadkii shacabka ahaa deegaanadooda, inkasta oo aanay ka hadlin Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya.

Weli Dowladda Federaalka kama aanay jawaabin eedeymaha loo jeediyey iyo xogta ku aadan cidda ka masuulka ah in diyaarad rakaab ah la xayiro.

Dhacdadan ayaa kusoo beegmeysa xilli uu maamulka Koonfur Galbeed maanta dhawaaqay inuu jaray xiriirkii kala dhaxeeyay Dowladda Federaalka, isagoo ku eedeeyay faragelin siyaasadeed iyo arrimo kuu sifeeyey kuwa dhaawacaya jiritaankooda, taas oo sii xoojisay xiisadda u dhexeysa labada dhinac.

 

HBN ONLINE TV

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed