Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgal qorsheysan oo ka dhacay gobolka Shabellaha Dhexe ay ku soo furatay dad rayid ah oo ay afduubteen maleeshiyaad ka tirsan kooxda Alshabaab.
War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaaradda gaashaandhigga ayaa lagu sheegay in howlgalkan oo dhacay xili dhexe oo xalay ahaa laga fuliyey degmada Gamboole, kaasi oo lagu dilay 5 xubnood oo ka tirsanaa Alshabaab, uuna jiray horjoogihii kooxdaasi.
Bayaanka ayaa lagu tilmaamay in iyaga oo badqaba si nabad ah Ciidamada Danab ku soo celsheen 9 muwaadin oo la sheegay in si xoog ah kooxdu ku afduubatay, ayna ku heysay ciqaab.
Howlgalkan ayaa la sheegay in uu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Xoogga Dalka ay ku xaqiijinayaan amniga, kuna ciribtirayaan kooxda Alshabaab ee ku howlan sida la tilmaamay dhibaateynta shacabka.
Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga ayaa ku goodiyey inay sii dardargelinayaan howlgallada ka dhanka ah kooxda, si loo sugo amniga iyo xasilloonida dalka, iyadoo ciidamada dowladda ay weli wadaan howlgallo ka socda gobollo badan oo dalka kamid ah.
Sidoo kale, raadiyaha ciidamada ayaa sheegay in kumaandooska Danab ay gacanta ku dhigeen dhamaan hubkii maleeshiyaadka ay dadka ku dhibaatayn jireen dadka Gamboole, ayna ka soo furteen 4 qori oo AK47 ah iyo hal PKM ah.
HBN ONLINE TV

