Faahfaahin kasoo baxaysa duqeyn lala beegsaday Alshabaab oo ka dhacay Koonfurta Mudug

Wararka laga helayo gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta duqeyn culus oo ay fuliyeen saaxibada caalamiga ah ee Soomaaliya ay ka dhacday deegaan lagu magacaabo Dumaaye oo hoos yimaada degmada Xarardheere ee koonfurta gobolka.

Duqeynta ayaa lagu beegsaday xero tababar oo ay kooxda Al-Shabaab ku leedahay halkaasi, taas oo lagu magacaabo Sheekh Maxamed Raagge, sida ay sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaanka.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in xilliga duqeyntu dhacaysay ay xerada ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo tababar ku jiray, kuwaas oo la sheegay inay waxyeelo kasoo gaartay weerarka. Sidoo kale xerada ayaa la sheegay inay soo gaartay burbur xooggan.

Xeradan ayaa markii hore ahayd goob diimeed oo loo yaqaanay Mowlaca Sheekh Maxamed Raagge, balse kooxda Al-Shabaab ayaa la wareegtay oo u beddeshay xarun ay ku tababaraan dagaalyahannadooda.

Tani waa markii labaad ee la duqeeyo xeradan, iyadoo weerar la mid ah uu dhacay dabayaaqadii 2023-kii. Dowladda Soomaaliya ayaa la filayaa inay soo saarto war rasmi ah, xilli ciidamada dowladda iyo saaxibada caalamiga ah ay kordhiyeen howl-gallada ka socda koonfurta iyo bartamaha dalka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed