Faahfaahin ka soo baxaysa xarigga suxufiyiin ka tirsan telefishinka SMS ee Muqdisho

Ciidamo Booliis ah ayaa xiray laba suxufi oo ka tirsan Telefishinka gaarka loo leeyahay ee SMS TV ee magaalada Muqdisho, iyadoo ilaa iyo hadda aan la shaacin sababta keentay xariggooda. Suxufiyiinta la xiray ayaa kala ah Xuseen Ciise Samawade iyo Cismaan Carrab, kuwaas oo lagu hayo xarun aan la shaacin, sida lagu sheegay war kasoo baxay maamulka TV-ga.

Maamulka SMS TV ayaa sheegay in aysan hayn wax war ah oo rasmi ah oo ka yimid laamaha ammaanka, taasina ay tahay arrin walaac leh. Waxay sidoo kale baahiyeen muuqaal ka soo baxay kaamirooyinka CCTV, kaas oo muujinaya labada suxufi oo ka soo degaya gaari la sheegay in ay saarnayd Xildhibaan Faa’isa Jeyte, xilli ay booqaneysay Suuqa Siinaay ee magaalada Muqdisho.

Xasan Cadde, Guddoomiyaha SMS TV ayaa ka codsaday Dowladda Federaalka Soomaaliya in si degdeg ah xorriyaddooda dib loogu siiyo suxufiyiinta la xiray, isla markaana la caddeeyo sababta loo beegsaday.

Dhinaca kale, Golaha Warbaahinta Madaxabannaan ayaa si kulul u cambaareeyay falkan, iyaga oo sheegay in xarigga suxufiyiinta uu dhaawacayo madax-bannaanida saxaafadda iyo xorriyadda hadalka. Waxaa ay ugu baaqeen hay’adaha ammaanka in ay si degdeg ah uga jawaabaan arrintan.

Ilaa hadda, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha ammaanka ee ay quseyso kama aysan bixin wax war ah oo la xiriira xariggan.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed