Dowladda Jabuuti ayaa ku dhawaaqday in ay joojisay shaqadii xafiiska xiriirka ee Somaliland ku lahayd dalkeeda, kaddib markii ay ku tilmaantay is-waafaq la’aanta ka dhalatay go’aanka ay qaateen mas’uuliyiinta Somaliland.
War ka soo baxay dowladda Jabuuti ayaa lagu sheegay in tallaabadan ay salka ku hayso qorshaha Somaliland ay ku doonayso inay iskaashi kula sameyso Israa’iil, kaas oo Jabuuti ku tilmaantay mid ku dhisan aqoonsi ka hor imanaya xeerarka sharciga caalamiga ah.
Jabuuti ayaa sheegtay in go’aankan uu yahay mid waafaqsan mowqifkeeda ku aaddan ilaalinta sharciga caalamiga ah iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
“Iyadoo la tixraacayo is-waafaq la’aanta ku xeeran go’aanka ay qaateen mas’uuliyiinta Somaliland ee Soomaaliya, kuna saabsan dhisidda iskaashi lala yeesho Israa’iil, kaas oo ku saleysan aqoonsi ka hor imanaya xeerarka sharciga caalamiga ah, Jamhuuriyadda Jabuuti waxay go’aansatay inay joojiso furitaanka xafiiska xiriirka ee maamulkaas ee dalka gudihiisa” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay dowladda Jabuuti.
Dhanka kale, ilo madax banaan ayaa maanta hore xaqiijiyey in Somaliland u yeertay wakiilkeeda dalkaasi, si wax looga waydiiyo arimaha taagan.
Arrintan ayaa sii xoojisay xiisadda siyaasadeed ee ka dhex taagan Jabuuti iyo Somaliland, iyadoo weli ay taagan tahay doodda la xiriirta aqoonsiga Somaliland ee Israa’iil.
HBN ONLINE TV

