Muwaadin Soomaali ah oo lagu magacaabi jiray Samaale Burhaan Waceys ayaa galinkii dambe ee maanta lagu dilay dalka Koonfur Afrika, kaddib markii rag hubeysan ay toogasho ku dileen isaga oo ku guda jiray shaqadiisa ganacsi. Marxuumka ayaa lagu dilay dukaankiisa oo ku yaalla tuulada Waamo, kuna taalla duleedka magaalada Port Elizabeth, sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah Soomaalida ganacsiyada ku leh deegaankaasi.
Marxuum Samaale ayaa la sheegay in rag hubeysan ay gudaha u galeen dukaanka, halkaas oo ay si toos ah ugu beegsadeen, iyaga oo dilay xilli uu ku jiray howl-maalmeedkiisii shaqo. Wararka la helay ayaa sheegaya in aan la soo sheegin wax hanti ah oo ay burcadu ka qaateen dukaanka, marka laga reebo dilka muwaadinka Soomaaliyeed.
Ciidamo ka tirsan booliska saldhigga tuulada Waamo ayaa tagay goobta dhacdadu ka dhacday, iyaga oo wada baaritaan ku saabsan dilka toogashada ah ee loo geystay ganacsadaha Soomaaliyeed.
Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli ganacsatada yaryar ee Soomaalida ah ee ku nool Koonfur Afrika ay wajahayaan weerarro isdaba joog ah oo aan xal waara loo helin. Muddo sanado ah, Soomaalida ka shaqeysta dukaamada ku yaalla tuulooyinka ayaa la kulmayay beegsi iyo dilal soo noqnoqday.
Warbixinno kala duwan ayaa muujinaya in dilalka ugu badan ee Soomaalida ganacsiyada leh ay sanadihii dambe ka dhaceen gobollada Eastern Cape iyo Western Cape, iyadoo xaaladda amni ay haatan u muuqato mid sii xumaaneysa. Inta bishaan Janaayo aan ku jirno waa muwaadinkii 9-aad sida la sheegay oo ku dhintay weerarada kooxaha Burcadda hubeysan ay u geystaan Soomaalida Koonfur Afrika.
HBN ONLNE TV

