Faahfaahin ka soo baxaysa kulanka Madaxweynaha Somaliland Jibuuti uu kula yeeshay safiirrada dalalka Itoobiya Faransiiska iyo UK?

Madaxtooyada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo socdaal ku jooga Jibuuti ayaa maanta kulan la yeeshay Safiirrada Faransiiska, Itoobiya iyo Ingiriiska iyadoo kulankaasi diiradda lagu saaray xaaladda amniga ee Geeska Afrika, gaar ahaan iskaashiga dhinacyada ammaanka, xasilloonida iyo xalinta khilaafaadka ka taagan gobolka.

Warka ka soo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweyne Cirro uu hoosta ka xarriiqay doorka muhiimka ah ee Hargeysa ka ciyaarto xagga amniga iyo xasiloonida Geeska Afrika, isagoo carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo iskaashi dhinacyo badan leh.

Sidoo kale, Madaxweyne Cirro ayaa si gaar ah muhiimadda ugu iftiimiyay wada shaqeynta ku aaddan amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, isagoo xusay in iskaashi iyo wadatashi muhiim u tahay ilaalinta danaha marin-biyoodka istaraatiijiga ah ee gobolka, sida lagu sheegay warkan ka soo baxay madaxtooyada Somaliland.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Cirro ayaa u mahadceliyay saddexda safiir taageerada iyo wadashaqaynta ay la leeyihiin Somalialnd isaga oo si gaar ah ugu bogaadiyay Itoobiya iyo UK doorkooda firfircoon.

Sidoo kale, waxa uu Faransiiska ku dhiirrigeliyay in ay Somaliland ka furtaan xafiis diblomaasiyadeed ama safaarad rasmi ah, si loo xoojiyo xiriirka labada dhinac.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed