Faahfaahin ka soo baxaysa duqeyntii xalay Mareykanka & Britain ku qaadeen Yemen

TV-ga Al-Masirah ee Xuuthiyiinta Yemen ayaa shaaciyay in Mareykanka iyo Britain ay duulaan xagga crika ah ku qaadeen caasimada Yemen ee Sanca, gobolka Amran iyo deegaano kale.

Warbaahinta taageerta Xuutiyiinta iyo dadka deegaanka ayaa sheegay in ilaa sagaal weerar lala beegsaday Sanca, agagaarkeeda iyo gobolka Amran.

Waaxda Gaashaandhiga Mareykanka ee The Pentagon-ka ayaa sheegtay in diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay dhowr duqeymo cirka ah fuliyeen habeenimadii xalay waxaana ay ku sheegeen in ay ahaayeen goobo lagu keydiyo hubka Xuutiyiinta, sida ay sheegtay wakaalada wararka ee AFP.

Sarkaal ka tirsan difaaca Mareykanka ayaa sheegay in hubkan loo adeegsaday weerarrada maraakiibta militariga iyo kuwa rayidka ee ku sugan badda cas iyo gacanka cadmeed.

Jimcihii, Xuutiyiintu waxa ay shaaciyeen inay soo rideen diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee MQ-9 ee Maraykanka oo gantaallo xambaarsanayd, xilli ay waday wax ay Xuutiyiintu ku tilmaameen falal cadawtinimo ah oo Jimcihii ka dhacay gobolka Al-Jawf ee dhanka waqooyi bari ka xiga caasimadda Sanca.

Hay’adda amniga badaha ee Britain ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in markab ganacsi oo marayey meel u dhow Yemen lagu amray in uu u baddalo jihada uu ku socdo meel qiyaastii 57 mayl-badeed koonfur-galbeed kaga beegan magaalada Cadan, amarkaasi oo ay bixiyeen mas’uuliyiinta Yemen.

Xuutiyiintya Yemen ayaa tan iyo dhammaadkii sanadkii hore waxay wadeen hawlgallo ka dhan maraakiibta Israa’iil laga leeyahay, kuwa u kiraysan shirkadaha Israa’iil iyo waliba kuwa ciidanka iyo rayidka ee Mareykanka iyo xulafadiisa iyagoo taas sabab uga dhigay inay ka soo horjeedaan falalka Israa’iil ka wado Marinka Qasa.

Sidoo kale waxay fuliyaan weeraro loo adeegsanayo gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo ay ku qaadeen Israa’iil.

Tan iyo bilowgii sanadkan Isbaheysiga uu hogaamiyo Mareykanka ayaa qaaday weeraro ay sheegeen in ay ku bartilmaameedsanayaan fariisimaha Xuutiyiinta ee qeybo kala duwan oo ka tirsan dalka Yemen, si ay uga jawaabaan weeraradooda dhanka badda ah, kuwaasi oo mararka qaar ay la kulmaan jawaab celin ka timid kooxda Xuutiyiinta.

Weeraradaasi waxay carqaladeeyeen ganacsiga caalamiga ah, iyadoo mulkiilayaasha maraakiibta ay ku qasbanaadeen inay ka leexiyaan badda cas iyo kanaalka Suweys maraakiibtooda iyagoo mara waddo dheer oo ku taal cirifka koonfureed ee Afrika.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed