Faahfaahin: Horjoogihii Alshabaab ee Ciid-ciidka oo lagu dilay howlgal qorsheysan

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in ciidanka deegaanka Macawisleyda ee ka howlgalaya gobolka Shabeellaha dhexe ay saakay fuliyeen weerar qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Ciid Ciidka Jimbilow, oo ku yaalla duleedka degmada Mahadaay.

Weerarkan ayaa lagu bartilmaameedsaday goob ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan kooxda Alshabaab, waxaana lagu dilay horjoogihii kooxda ee deegaankaas, oo lagu magacaabi jiray Muxudiin Xasan, iyo 3 xubnood oo kale oo la socday, sida uu soo tabiyey Raadiyadaha Ciidamada Xoogga.

Sidoo kale, Ciidanka deegaanka ayaa la tilmaamay inay ka furteen xubnaha la dilay laba qori oo AK-47 ah iyo saanad ciidan, taasoo muujineysa sida hadalka loo dhigay “guul muhiim ah” oo ay ciidamada deegaanka ka gaareen dagaalka lagula jiro kooxaha ay dowladdu ugu yeero “nabad-diidka” ee gobolka.

Saraakiil ka tirsan ciidanka deegaanka Mahadaay ayaa sheegay in howlgalka uu qayb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida deegaannada Shabeellaha Dhexe, islamarkaana lagu beegsanayo haraadiga kooxda ee weli ku dhuumaaleysanaya meelaha miyiga ah.

Waxaa xusid mudan in kooxdu ay hadda maamusha deegaanno badan oo gobolka Shabeellaha dhexe ah, halkaasi oo dagaallo culus ay kula gashay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee Macawislayda.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed