Faahfaahin dheeraad ah oo kasoo baxaysa xiisad colaadeed oo ka taagan qaybo ka mid ah gobolka Gedo

Wafdi & askar ka tirsan ciidamada xoogga dalka oo maanta dowladda Soomaaliya ka qaaday magaalada Mogadishu ayaa gaaray degmada Luuq ee gobolka Gedo, iyadoo tani ku soo aadayso xili warar isa soo taraya sheegayaan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ka socda deegaannadaas, kuwaas oo loo arko sida la tilmamay kuwo ka soo horjeeda dowladda dhexe.

Wafdiga & ciidamada la socda ayaa waxaa markii ay gaareen Luuq ku soo dhaweeyay ciidamo horey ugu sugnaa degmadaasi, iyadoo lagu sheegay ujeedadda safarkooda hirgelinta qorshayaasha dowladda, iyadoo la qabanayo kulamo ay la yeeshaan ciidamada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in ay durba bilaabeen wadahadallo ay la leeyihiin laamaha ammaanka iyo wakiillada bulshada, si loo xoojiyo wada shaqeynta iyo hirgelinta qorshaha dowladda ee gobolka Gedo.

Qeybo ka mid ah Gedo waxaa ku sugan ciidamo hubeysan oo Jubbaland ka amar qaata, kuwaa oo la sheegay inay diidan yihiin tallaabooyinka dowladda.

Maalmo ka horna, ciidamo la sheegay inay daacad u yihiin Madaxweynihii hore ee Koonfur galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo ka baxay deegaano ku dhow magaalada Baydhabo ayaa gobolka Gaaray.

Xaaladdan ayaa dhalisay walaac cusub oo ku saabsan suurtagalnimada iska hor imaadyo, iyadoo khilaafka u dhexeeya dowladda Federaalka iyo Jubbaland uu mar kale u muuqdo mid sii xoogeysanaya.

Dowladda dhexe ayaa qorsheyneysa inay qabato doorashooyin toos ah oo ka dhaca degmooyin ka tirsan Gedo, halka Jubbaland ay ka soo horjeedo qorshahaasi, taas oo sii hurineysa xiisadda labada dhinac.

Dhanka kale, war ka soo baxay maamulka Jubbaland ayaa lagu wargalisay ciidamadooda gobolka inay bilaabi doonaan howlgallo ay ku sheegtay kuwo culus oo ka dhan ah waxay ay ku tilmaantay kooxo “nabad diid ah” oo ku sugan magaalada Beledxaawo.

Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Jubbaland ee gobolka Gedo, Cabaas Aadan Gureey oo la hadlayey cutubyo ka tirsan ciidamada maamulka ayaa ku wargeliyay in howlgalkaasi dhowaan la bilaabi doono, islamarkaana ay yihiin kuwo lagu sugayo sida uu hadalka u dhigay nabadgelyada shacabka.

Mar uu ka hadlayey ciidamada dowladda ee jooga Bedelxaawo ayuu sheegay in ay jiraan kooxo uu tilmaamay in laga soo abaabulay Muqdisho oo sida uu hadalka u dhigay “dhibaato ku haya” shacabka ku nool degmada magaalada, isagoo carrabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in “si degdeg ah tallaabooyin looga qaado”, inkasta oo uusan sheegin nuuca talaabo ee laga qaadayo.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed