Warrarka laga helayo magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in khasaare dhimasho iyo dhawaacba leh uu dhaliyay dagaalkii saaka ka dhacay duleedka iyo gudaha magaalada.
Dhakhtar ka tirsan Cisbitaalka Guud ee gobolka Bay oo diiday in magaciisa la sheego ayaa warbaahinta u sheegay in 25 qof oo qaba dhaawacyo ka soo gaaray xabado iyo walxa qarxa la geeyay cisbitaalka, 5 kamid ah dhaawacyada la geeyay cisbitaalka ayaa qaba dhawaacyo halis ah.
Sidoo kale waxa Isbitaalka la geeyay labo qof oo mayda oo xabado ku dhaceen.
Illaa hadda tirkoob sax ah lagama soo saarin khasaaraha naf iyo maalba leh ee uu dhaliyay dagaalkii saaka ka dhacay duleedka iyo gudaha magaalada baydhabo.
HBN ONLINE TV

