Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in kooxo maleyshiyaad ah oo hubeysan ay weerar ku qaadeen Xabsiga Dhexe ee magaalada, halkaas oo lagu hayo maxaabiis lagu xukumay dambiyo culus, sida dilal iyo dambiyo la xiriira muqaadaraadka.
Sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen warbaahinta,maleyshiyaadka ayaa damacsanaa inay si xoog ah uga soo furtaan maxbuus xabsiga ku jiray, taasoo sababtay iska horimaad culus oo dhexmaray ciidamada ammaanka ee xabsiga iyo dableydii weerarka soo qaaday.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in rasaastu istaagtay, inkastoo aan wali si rasmi ah loo caddeyn in kooxdii weerarka soo qaaday ay ku guuleysteen inay la baxaan maxbuuskii ay doonayeen iyo inkale. Sidoo kale, lama helin faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay weerarkaasi.
Xabsiga Dhexe ee Gaalkacyo ayaa horay dhowr jeer loogu qaaday weerarro la mid ah, iyadoo la ogyahay in halkaasi lagu xiro dambiilayaal ay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Puntland ku xukuntay dil toogasho. Maxaabiista intooda badan ayaa loo haystaa dambiyo culus oo ay ka mid yihiin dilal salka ku haya aanooyin qabiil, falal argagixiso iyo ka ganacsiga maandooriyaha.
Weerarkan ayaa imanaya afar bilood uun kadib markii koox maleyshiyaad ah ay isku dayeen inay si la mid ah u furaan xabsiga, taasoo markaas sababtay dhimashada hal qof iyo dhaawaca labo kale.
Wixii faahfaahin ah ee kasoo kordha xaaladda xabsiga Gaalkacyo kala soco wararkeena dambe.
Isha ku haay HBN ONLINE TV