Faahfaahin dheeraad ah oo ka soo baxaysa dilka Taliye Xujaalle

Taliyihii Guutada 26-aad, Qeybta 27-aad ee Ciidmada Xoogga Soomaaliya Gaashaanle Sare Cabdiraxmaan Xujaale ayaa la toogtay, xili ay isaga iyo ciidankiisu ay ku jireen jireen dagaal ka dhan ahaa kooxda Alshaabab deegaanka Mubaax, sida uu warbaahinta uu u sheegay guddoomiyaha degmada Maqori Maxamed Cabdi Macow.

Dilka taliyaha waxaa la sheegay inuu ka dambeeey askari katirsanaa ciidankiisa sida uu aan ka soo xiganeyno Gudoomiye Macow. Marxuumka ayaa ahaa sarkaal sare oo dagaalada socda aad looga yaqaanay. Askariga dilka geystay ayaa gacanta lagu soo dhigay.

Dilkaan ayaa waxaa uu ku soo aadayaa bil iyo dheer ka dib markii 5-tii Abriil xero Ciidan oo ku taala deegaanka Sabiib iyo Caanoole lagu dilay Taliyihii Guutada 14 October ee ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Nuur Maxamed Gaaboow ” Nuur Fareey ”, isagoo la hadlayey Ciidamo Feyl ku jiray.

Xog la xariirta https://hbnonlinetv.com/taliyihii-guutada-14-ka-octoobar-ee-ciidanka-xoogga-oo-lagu-dilay-shabeellaha-hoose/

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed