Dagaal culus oo dhimasho & dhaawac sababay ayaa maalintii labaad ka socda magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, halkaasi oo ay ku dagaalamayaan ciidamada maamulka Koonfur Galbeed iyo xoogag la sheegay inay daacad u yihiin Wasiir ka tirsan dawlada Federlaalka.
Xogaha la helayo ayaa muujinaya in isbitaallada Baydhabo la geeyay ugu yaraan 10 qof oo rayid ah oo dhaawacyo ka soo gaareen dagaalka. Waxaa sidoo kale la soo sheegay in rasaas wiifto ah ay haleeshay guryo ay degan yihiin dad shacab ah, taas oo waxyeello u geysatay carruur iyo haween, isla markaana keentay cabsi iyo hakad ku yimid isu socodka dadweynaha iyo gaadiidka guud ahaan magaalada.
Muuqaallo ku baahay baraha bulshada ayaa muujinaya gaadiid dagaal oo rasaasaynaya goobo u dhow guryo rayid ah, iyo dad qaba dhaawacyo culus oo loo qaadayo isbitaalka weyn ee Baydhabo. Xiisaddan ayaa kusoo aadeysa xilli la filayo doorasho maamul oo Koonfur Galbeed ah.
Dagaalka ayaa u dhexeeya ciidamada maamulka Koonfur Galbeed iyo kuwa la sheegay inay taabacsan yihiin Wasiirka Xannaanada Xoolaha ee DFS, Xasan Xuseen Maxamed oo loo yaqaan Xasan Eelaay. Wasiirka ayaa ku eedeeyey maamulka Koonfur Galbeed inay weerareen gurigiisa ku yaalla Baydhabo, waxaana lagu soo warramayaa in labada dhinac ay isticmaalayaan hub culus.
Wasiir Xasan ayaa sheegay in mas’uuliyadda weerarka ay saaran tahay madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen. Isku dhaca ayaa markii hore ka dhashay muran la xiriira dhul sida la soo wariyey, balse warar kale ayaa tilmaamaya in uu markii dambe isu beddelay khilaaf siyaasadeed.
Sidoo kale, Xildhibaan Saadaq Cabdulllahi Cabdi oo ka ah Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku eedeeyey madaxweyne Laftagareen dagaalka iyo sida uu hadalka u dhigaye inuu dadka dhiigooda sifo sharci daro ah ugu joogo Koonfur Galbeed.
Wuxuu sheegay in dadka rabshada qaybta ka ah maanta lala xisaabtami doono.
Dhanka kale, isgaarsiinta magaalada Baydhabo ayaa go’an tan iyo gelinkii dambe ee shalay, taas oo si weyn u xaddiday helitaanka macluumaadka iyo qiimeynta saameynta bani’aadannimo ee rabshadaha.
Shalay, wasiirka war-faafinta maamulka Koonfur galbeed Maxamed Ibraahim Bilaal oo hadlay la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in xaalado kooban oo amni darro ay ka dhaceen magaalada, isagoo xusay in kooxo tilmaamay in kooxo hubaysan ay isku dayeen in ay khal-khal galiyaan amniga magaalada taasoo sida uu hadalka u yiri ay ka hortageen ciidamada maamulkaas.
Wasiirku wuxuu intaa raaciyay in kooxahaasi ay xaafado ka tirsan magaalada Baydhabo ka sameyeen falal amniga liddi ku ah isla markaana ciidamadu ka qaaden tallaabooyin guulastay oo lagu soo afjaray. Si kasataba ha ahaatee, wararka aan ka helayno magaalada ayaa sheegaya in dagaalka iyo rabshadaha socday tan iyo shalay ay saameyn ku yeesheen isu socodkii dadweynaha iyo gaadiidka.
HBN ONLINE TV

