Wararka ka imaanaya gobolka Baay ayaa sheegaya in dagaal culus uu saaka ka qarxay deegaan hoostaga degmada Deynuunaay, kadib markii ciidamo taabacsan maamulka Koonfur Galbeed (KGS) ay weerar ku qaadeen fariisimo ay halkaasi ku leeyihiin ciidamo la magac baxay Badbaadada Koonfur Galbeed.
Ilo deegaanka ah ayaa xaqiijinaya in dagaalka uu weli socdo deegaanka Habar-Dooy, isla markaana la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan. Lama oga illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay iska horimaadkaas, iyadoo xaaladdu ay tahay mid kacsan.
Dhanka kale, xaaladda amni ee magaalada Baydhabo ayaa la soo sheegayaa in isbedel weyn la galiyey, waxaan la soo tabiyey in ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ha howlgalka midowga Afrika ee AUSSOM ay la wareegeen xarumo muhiim ah oo ay hore u deganaayeen ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed. Ma jirto cid si madaxbanaan u xaqiijin karta xogtan.
Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada Daraawiishta laga raray magaalada, loona diray furimaha dagaalka, halkaas oo ay hadda ka wadaan howlgallo militari oo la xiriira dagaalka ka socda Deynuunay iyo nawaaxigeeda.
Ilaa hadda ma jiro wax war rasmi ah oo ka soo baxay maamulka KGS oo ku aaddan dagaalkan iyo isbeddelada amni ee ka jira Baydhabo, balse xaaladda guud ee gobolka ayaa ah mid weli cakiran.
Hadda, Ciidaamda dowladda taageersan ee la baxay badbaadada Koonfur Galbeed iyo kuwa dowladda Federaalka ayaa gacanta si rasmi ah ugu haaya, magaalooyinka Buurhakaba, Qansax-dheere, Xudur, Waajid iyo Baraawe.
Isha ku haay HBN ONLINE TV

