Faahfaahin: Alshabaab oo weerar ku qaaday saldhigga Kudhaa & duqeyn cirka ahna oo ka dhacday

Wararka ka imaanaya magaalada Kudhaa oo hoostagta degmada Badhaadhe ee koofurta gobolka Hoose ayaa sheegaya in kooxda Al-Shabaab ay abaare 3:00 subaxnimo ee saaka weerar ku qaadeen saldhig ay halkaas ku lahaayeen ciidamada Jubbaland.

Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in dagaal kadib Al-Shabaab ay la wareegeen tuulada Kudhaa, isla markaana ay gacanta ku hayaan saldhiggaas. Sidoo kale, waxaa la soo werinayaa in dad shacab ah ay ku waxyeelloobeen rasaasta intii uu socday weerarka, iyadoo dhimasho la sheegay, inkastoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin tirada khasaaraha.
Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay maamulka Jubaland oo ku aaddan khasaaraha soo gaaray ciidankooda.

Saldhigga ay Al-Shabaab qabsadeen ayaa horey waxaa u deggenaa ciidamada Kenya.
Dhanka kale, warar dambe oo soo baxay ayaa sheegaya in duqeyn diyaaradeed ka dhacday aagga Kudhaa, gaar ahaan saldhigga ay maanta la wareegeen Al-Shabaab. Maamulka Jubaland weli ma xaqiijin cidda fulisay duqeynta.

Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan xaaladda Kudhaa ayaa la filayaa in ay soo baxdo saacadaha soo socda. Wixii warar ah ee soo kordha, halkan ayaad kala socon doontaan.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed