Weeraradan ayaa isugu jiray bambooyinka gacanta laga tuuro oo lagu weeraray guryaha mas’uuliyiin caan ah oo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed, taasi oo qalqal galisay shacabka iyo ciidamada ammaanka.
Weerarka koowaad ayaa waxaa lagu weeraray guriga Kuuroow Amxaar oo ka tirsan ciidamada daraawiishta maamulka gobolka. Wax yar kadib ayaa qarax labaad waxaa lagu weeraray guriga Ilyaas Cali Nuur oo ahaa Wasiirkii hore ee Warfaafinta Maamulka Koonfur Galbeed, hadana ah Maareeyaha Tubsan.
Wararkii ugu dambeeyay, ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weeraradan, iyadoo aan la ogeyn sababta ka dambeysa falalkan. Laamaha ammaanka ayaan wax war ah ka soo saarin falkaasi, sidoo kalana lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxyadaasi.
Weeraradan ayaa walaac laga muujiyay badqabka iyo ammaanka madaxda maamulka Koonfur Galbeed, taasoo keentay in feejignaan iyo baaritaan lagu sameeyo arrintan.
Shacabka magaalada Baydhabo iyo maamulka ayaa si isku mid ah waxa ay laamaha amaanka uga sugayaan faah faahin ku aadan kooxihii falkaasi geystay iyo sababta ka dambeysay weeraradaasi.
Xog la’aanta iyo sheegasho la’aanta ayaa kordhisay hubanti la’aanta ku xeeran dhacdooyinka.
HBN NEWS DESK