Faah faahino ka soo baxaya qarax khasaaro geystay oo lagu weeraray ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya isla markaana ka dhacay duleedka Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax  ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho gaar ahaan agagaarka deegaanka Ceelasha Biyaha, kaasi oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Qaraxa oo ahaa miinada nuuca dhulka lagu aaso ayaa la sheegay in lala eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo ku socdaalayay wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Ilo deegaanka ah ayaa ku waramaya in qaraxa uu haleelay gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan dowladda oo halkaasi marayay, waxaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawac ah inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn khasaaraha ka dhashay.

Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkan ayaa shaacisay in qaraxaas ay ku dileen laba askari, labo kalena ay ku dhaawaceen, sida ay hadalka u dhigeen.

Ma jirto ilo madax banaan oo xaqiijin kara sheegashada Al-Shabaab, iyadoo laamaha ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya aysan weli ka hadlin dhacdadan.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed