Faah faahino ka soo baxaya Qarax khasaaro dhaliyay oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax ka dhacay Degmada Kaxda ee duleedka magaalada Muqdisho, kaasoo dhaliyay khasaaro kala duwan, waxaa ku dhaawacmay mid kamid ah Saraakiisha Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka, sida ay sheegayaan wararka hordhaca ah ee aan helnay.

Ilo kala duwan oo saraakiisha ah ayaa HBN TV u sheegay  in uu dhaawac soo gaaray saragaal lagu magacaabo Abshir Shaafici oo kamid ah saraakiiisha ammaankaee ee degmada Kaxda, waxaana la geeyay mid kamid ah goobaha Caafimaadka ee caasimadda.

Ciidamo katirsan kuwa ammaanka ee gobolka Banaadir oo gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa billaabay howlgallo ay ku baadigoobayaan shakhsiyaad lagu tuhmayo in ay ka dambeeyeen qaraxaan.

Ilaa haatan ma jiro war kasoo baxay maamulka degmada Kaxda & Hay’adaha amaniga dowladda Federaalka ee ku aaddan faah faahin la xariirta khasaaraha rasmiga ah ee weerarkaas qarax loo adeegsaday.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed