Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Al-Shabaab ku dhexmaray deegaanka Saabit oo ku dhow degmada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose.
Sida ay sheegayaan wararka dagaalka ayaa bilowday kadib markii xoogag ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin deegaankaasi, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal toos ah oo dhexmaray kooxda iyo ciidamada dowladda Federaalka oo iska caabiyay weerarka kooxda.
Ilo deegaanka ah iyo kuwa amni ayaa xaqiijiyay in dagaalka uu socday dhowr saacadood, islamarkaana la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, balse lama xaqiijin karo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka.
Saraakiisha Ciidamada Dowladda Federaalka ee ku sugan deegaanka ayaa xaqiijiyay in ay iska caabiyeen Ciidamadii Al shabaab ee weerarka ku soo qaaday deegaanka Saabit, haatana ay wadaan howlgallo lagu xasilinayo deegaanka.
Dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa tilmaamay in ay weerar ku qaadeen ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku sugnaa deegaanka Saabit, islamarkaana ay khasaare xooggan gaarsiiyeen ciidamada dowladda Federaalka ee ku sugnaa deegaankaasi. Balse sooma bandhigin caddeyo muujinaya khasaaraha.
Xaalada deegaanka ayaa haatan kacsan, waxaana goobihii lagu dagaalamay ku sugan ciidamada dowladda, waxaana dagaalka kadib ay wadaan dhaq dhaqaaqyo xoogan.
HBN NEWS DESK