Faah faahino ka soo baxaya Dagaal beeleed ka soo cusboonaaday gobolka Gedo isla markaana dhaliyay dhimasho & dhaawac xilli baaq culus la soo saaray

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaallo beeleed ay dib uga soo cusboonaadeen gobolka Gedo, iyadoo dagaal xooggan uu ka dhacay degmada Luuq. Rabshadahaasi ayaa geystay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac iyo burbur soo gaaray suuq muhiim ah, taasoo sii xumeysay xasiloonida deegaanka.

Sida ay sheegayaan wararka dagaalka ayaa  ka bilowday arrimo la xiriira lahaanshaha dhul. Xaalada ayaa markiiba cirka isku shareertay kadib markii laba askari oo ka tirsan ciidanka deegaanka uu muran xoogani dhex maray. Dagaalka ayaa isku bedelay gacan ka hadal, waxaana isla markiiba halkaasi laga dilay hal askari, taasoo sii hurisay colaada beelahaasi.

Ugaas A/rashiid Ugaas Bilow oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ayaa xaqiijiyay sida uu dagaalka u yahay mid culus. “Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay dagaalka xooggan oo mid ka mid ah ay tahay haweeney, saddex kalena waa ay ku dhaawacmeen,” ayuu yiri. Sidoo kale waxaa shaqaaqadaasi lagu gubay xarun ganacsi oo muhiim ah oo ku taalla degmada Luuq, taasoo kaalin muuqata ku lahayd dhaqaalaha gobolka Gedo.

Ugaas A/rashiid ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay “Waxay dhacday in dab uu ka kacay xero ay degan yihiin qoysas barakacayaal ah, shan qof ayaa ku geeriyootay, saddex kalena waa ay ku dhaawacmeen”.

Odayaasha ayaa ku baaqay xabad joojin degdeg ah. “Annaga haddaan nahay odayaasha waxaan ku baaqaynaa in si shuruud la’aan ah loo joojiyo dagaalka iyo dhibaatada ka taagan degmada Luuq,” ayey baaqeen. Codsigiisu waxa uu ka tarjumayaa rajo-xumada laga qabo nabadda iyo xasilloonida gobolka, halkaas oo colaadaha beelaha ay noqdeen kuwo soo noqnoqda.

Colaadaha isir nacaybka ah ayaa ku soo badanaya Soomaaliya, waxayna dadka ku abuureen cabsi baahsan. Dawladdu waxay sii waddaa u ololaynta wada-hadal nabadeed, iyadoo ku boorrinaysa beelaha ay khusayso inay si hoose ku xalliyaan khilaafkooda.

Dowladda Soomaaliya ayaa si dhow ula socota xaaladda degmada Luuq, waxaana la filayaa in dadaal dheeri ah lagu bixiyo dhexdhexaadinta iyo soo celinta nabadda.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed