Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay, qaar kalena way ku dhaawacmeen dagaal beeleed maanta ka dhacay degmada Wardheer oo ka tirsan gobolka Doollo ee Dowlad Deegaanka Soomaalida, sida ay ku warramayeen ilo kala duwan oo degaanka ah.
Wasiirka Warfaafinta Dowlad Deegaanka Soomaalida C/qaadir Rashiid oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay gaareen deegaanka, ayna ku guuleysteen inay dejiyaan xiisadda. Ma uusan bixin faah faahin dheeri ah oo ku saabsan sababta ka dambeysay dagaalka.
Wararka ayaa intaas ku daray in maleeshiyaadka ay heleen gurmadyo kala duwan, isla markaana saacado xariir ah ay dagaallameen, waxana la sheegay in dagaalka la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan oo maleeshiyaadku heysteen.
Talaadadii ina dhaaftay ayey markii Jabhada Xoraynta Ogadeniya ay canbaaraysay colaada labada beelood ee walaalaha ah ku dhexmartay degmada Wardheer waxayna xukuumada ka codsadeen in wax laga qabto beelaha dirirtu dhexmartay isla markaana sida ugu dhakhsaha badan loo joojiyo dhiiga daadanaya.
Mudooyinkii u dambeeyay waxaa ka socday dagaal beeleed ku saleysan dhul beereed, balse ma cadda sababta keentay dagaalka cusub ee ka dhacay degmada Wardheer.
HBN NEWS DESK