Wararka gobolka Jubbada Hoose ka imaanaya ayaa sheegaya in galinkii dambe ee maanta Ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan kuwa Jubbaland ay ku biireen Ciidamada xoogga ee jooga deegaanka Raas-Kambooni.
Ilo xog ogaal ah oo ka ag dhowr Ciidamada deegaanka jooga oo si kooban uga hadlay ciidamadaan Jubbaland kaga yimid ayaa sheegay inay qeyb ka ahaayeen sida ay u dhigeen ciidamo badan oo qorshuhu yahay in garabka dowladda ay soo galaan.
Taliska Ciidamada dowladda ee joogga deegaanka Raas-Kambooni ayaa la filaa inay ka hadlaan ciidamada oo lagu qiyaasay inta u dhexeysa 30 ilaa 40 saraakiil iyo askar isugu jirta.
Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhiiri galisay ciidamada maamulka Jubbaland in safkooda ay soo galaan, ka dib markii balan qaadyo waa weyn ay soo hordhigtay, iyada oo taasi ay u muuqato waxa ku qasbeya sida ay qabaan falanqeeyaasha xaaladan la socda.
Todobaadkii hore dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Raas-Kambooni ka dejisay dhowr diyaaradood ay saarnaayeen ciidamo laga qaaday Muqdisho, waxaana ka qeyb ahaa diwaan hayaal ka socday Xafiiska ciidamada Xoogga dalka oo galka Ciidamada qaranka ku darayey ciidamada halkaasi lagu soo bandhigay Raas-Kambooni.
HBN ONLINE TV