Faah faahinno ka soo baxaya muwaadiniin oo Soomaali ah oo lagu dilay Koonfur Afrika

Labo muwaadin oo Soomaali ah ayaa lagu dilay 48-kii saac ee lasoo dhaafay  gobolka East Cape ee dalka Koonfur Afrika, kuwaas oo lagu weeraray goobo ganacsi oo ay halkaas ku la haayeen.

Sida ay xaqiijiyeen goob-joogayaal kooxo burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa weerartay dukaan ay ku lahaayeen tuulooyinka miyiga ah, waxaana loo geystay dil, Cabdulqaadir Macallin Maareeye iyo Xasan Xaamud Jaras.

Ciidamada Booliska oo gaaray goobta uu fal dambiyeedka ka dhacay ayaa waxa ay halkaasi ka sameeyeen baaritaano, balse ma jirto cid loo soo qabtay dilka labadaasi dhalinyarada ah, kuwaasi oo dukaan ku lahaa duleedka magaalada Cape Town.

Kooxaha hubeysan ayaa wali sii wada weerarada ay ku hayaan goobaha ganacsiga ee ay leeyihiin dadka ajaanibta ah ee Soomaalida ay ku jiraan, iyagoo raadinaya fursad ay ku boobi karaan  tahriibayaasha fursadaha shaqo ka sameeyay  dalkooda.

Ku dhawaad ​​1,500 oo Soomaali ah ayaa lagu dilay weeraro naceyb ah oo ka dhacay dalka Koonfur Afrika labaatankii sano ee lasoo dhaafay, sida ay sheegeen hogaamiyayaasha bulshada dalkaas oo warbaahinta la hadlay.

Mowjadihii ugu xumaa ee rabshadaha ajaanib naceybka ah ayaa ku dhuftay dalka Koonfur Afrika sanadkii 2008-dii markaasoo in ka badan 60 qof lagu dilay, balse ganacsatada Soomaalida ayaa sheegay in cadaadisku uu yahay mid joogto ah taniyo xilligii ay halkaas tageen.

Dowladda Koonfur Afrika ayaan wax tallaabo ah kama qaadin weerarrada loo geeysanayo  dadka ajnabiga ah oo ay Soomaalidu ugu horreyso, sannadkii hore ciidamada ayaa kala eryey  boqolaal dhallinyaro ah oo doonayay inay weeraraan goobo ganacsi oo ay leeyihiin ajaanib, oo Soomaalidu u badan tahay.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed