Ugu yaraan 3 ruux ayaa ku dhimatay, 5 kalane waa ku dhaawacmeen Qarax gaari loo adeegsaday oo ka dhacay maqaayad ku taala dhabarka dambe ee guriga Hooyooyinka oo ku dhow golaha Murtida Qaranka ee Tiyaarka.
Maqaayad ku taalay goobta ayaa ku burburtay, taasi oo lagu hor baakimay Gaariga qarxay. Goobta Qaraxu ka dhacay oo aheyd meel aad u mashquul badan oo ay ku yaalaan goobo ganacsi ayaa laga yaabaa in Khasaaraha uu intaasi ka sii bato.
Dad goobjooyaal ah oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in inta aysan wax dhicin ay arkeen gaariga Qarxay oo nuucisu yahay Saaruf oo yaala meel u dhow goobta, gaar ahaan masaajid ku yaala goobta.
“Aniga Mooto aan watay waxay ku baakinneyd gaariga saarufkaa hortiisa, markaan aan ka soo baxay masjika oo aan sii maraa Beerta nabadda qaraxaa ka dhacay” ayuu goobjooge ah.
Weli laamaha amniga Soomaaliya kama hadlin qaraxaan iyo khasaaraha inta uu gaarsiisan yahay.
Goobta ay wax ka dhaceen ayaa u dhow ilin ka mid ah kuwa laga ilaaliyo madaxtooyada Soomaaliya.
Muuqaalo aan helnay ayaa muujinaya burburka gaadiid marayey laamiga dhabarka dambe mara ee Hooyooyinka iyo qiiqa is qabsaday.
Maamulka Idaacadda Kulmiye oo goobta wax ka dhaceen ku taal ayaa masuuliyiinteedu inoo sheegeen in wax khasaare ah ka soo gaarin, kaliyana ay burbureen miraayadaha daarta ay deganyihiin.
Cid masuuliyadda qaraxa sheegatay malaha malaha ilaa hadda, balse waxaa qaraxyada nuucaana badi sheegta masuuliyadooda Kooxda Alshabaab.
Isha ku hay HBN ONLINE TV

