Erik ten Hag oo ka hadlay ciyaartii ay guul darrada kala kulmeen dariskooda Manchester City

Tababaraha kooxda Manchester United Erik ten Hag ayaa ka hadlay ciyaartii ay wajaheen Citizens-ka kaasoo sheegay in rigooradii Manchester City loo dhigay kulankii Manchester derby ‘ay ciyaarta wax ka badashay’. Waxuu  wariyaasha la wadaagay rigoodaasi ay ciyaarta gacannta u galisay dhiggooda City.

Citizens-ka ayaa qeybtii hore ee ciyaarta lagu dhigay rigoore garoonka Old Trafford markii Rasmus Hojlund lagu xukumay qalad uu ku galay Rodri oo ku jira diilinta ganaaxa markii uu xiddiga reer Spain isku dayay inuu karoos qaado.

Garsooraha ayaan markii hore farta ku fiiqin, balse markii VAR ay kula talisay, ayaa rigooradii loo dhigay, Erling Haaland ayaana u soo istaagay waxaa uu ciyaarta ka dhigo 1-0, iyada oo labo kala dhalisay taasoo ka dhigan in 3-0 lagu garaacay United.

Ten Hag ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay qaab ciyaareedka kooxdiisa ee qaybtii hore ee ciyaarta laakiin waxa uu qirtay in ciyaarta ay ka carartay Red Devils qaybtii labaad ay hooseysay  kadib markii laga dhaliyay gool labaad.

Man United ayaa isku dayi doonta in ay ka soo kabsato guuldaradii soo gaadhay marka ay habeenka Arbacada ku marti galiyaan kooxda Newcastle United kulan ka tirsan EFL Cupka ka hor inta ayna u safrin Fulham kulan ka tirsan Premier League todobaadka soo socda.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed