Ergo dhexdhexaadiyaal ka socda Kenya oo Kismaayo kulamo kula leh madaxweynaha Jubbaland

Wafdi ka socda dowladda Kenya ayaa shalay gaaray magaalada Kismaayo si ay u dhex dhexaadiyaan xiisadaha siyaasadeed ee ka dhex aloosan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe oo ku saabsan hannaanka doorashada.

Wafdigan ayaa waxaa ka mid ah siyaasiyiin sar sare oo ay ka mid yihiin Xoghayihii hore ee urur Goboleedka IGAD Maxbuub Macalin, Ergaygii hore ee IGAD u qaabilsanaa arrimaha Soomaaliya Danjire Maxamed Cabdi Afeey, Senatarka ismaamulka Wajeer Cabdiraxmaan Cali Xasan Colow.

Madaxtooyada Jubbaland ayaa xaqiijisay in Axmed Madoobe uu la kulmay dhexdhexaadiyeyaasha Kenya, waxaanna ay xustay in madaxweyne Xasan Sheekh uu ka codsaday in ay gacan ka geystaan ​​sidii loo xalin lahaa khilaafka siyaasadeed.

Khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Villa Soomaaliya iyo Axmed Madoobe ayaa soo bilowday markii Madoobe uu ka baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee dhawaan lagu soo gaba gabeeyay Muqdisho, isaga oo ku adkeystay in Puntland iyo SSC Khaatumo lagu soo daro, inkasta oo Puntland ay qaadacday shirarka golaha wadatashiga qaran sababo la xiriira khilaafka iyaga u gaar ah oo kala dhaxeeya dowladda Federaalka.

Dhowaan ayey aheyd markii wasiiro ka tirsan dowladda federaalka ee Jubbaland laga soo doorta ay is casileen khilaafka siyaasadeed ee jira awgii, waxaana xigay baaq ka soo baxay hogaamiyaha Jubbaland oo ku aadanaa in xildhibaanada labada gole ee federaalka ku matalaya ay ka qeyb galaan shir wadatashi oo ka dhacaya magaalada Kismaayo.

Xildhibaannada labada aqal ee Jubbaland ku matala Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in warqada codsiga ah ee madaxweynaha kaga timid ay ajiibeen ayna tagi doonaan magaalada Kismaayo, halka qaar ay iska diideen, iyaga oo ku dooday sida hadalka ay u dhigeen in loo diyaar garoobo doorasho qof iyo cod ah oo ah war murtiyeedkii ka soo baxay shirkii qolaha wadatshiga qaran.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed