Ergeyga QM oo Muqdisho ka wada qorshe & kula kulmo looga hadlayo xaaladaha Doorashooyinka iyo Dastuurka oo meel adag maraya

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay (QM) u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa kulamo kala duwan la yeeshay masuuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS, iyadoo diiradda lagu saarayo xaaladaha siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan doorashooyinka iyo dib-u-eegista Dastuurka, arrimo ay mucaaradku si weyn uga soo horjeedaan in wax laga bedelo.

Kulan gaar ah oo uu la qaatay Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Soomaalya Xasan Macalin Maxamuud ayuu sheegay xafiiska UNTMAS ee Soomaaliya in lagu xaqiijiyey in labada dhinac ka wada hadleen sidii loo hubin lahaa jawi ku habboon oo lagu horumarin karo hannaanka caddaaladda iyo doorashooyinka dalka.

Warkan kooban ee ka soo baxay xafiiska QM ee Muqdisho ayaa lagu adkeeyey in kulanka uu xoogga saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Qaramada Midoobay iyo Soomaaliya, gaar ahaan dib-u-dhiska hay’adaha caddaaladda iyo dhammeystirka dastuurka, iyadoo la doonayo in horumar la gaarsiiyo sida hadalka loo dhiga geeddi-socodka dowlad-dhiska iyo hannaanka sharciga.

Kulankan ayaa ku soo aaday xilli ay maanta Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan ku xigeennada Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka ay kulan la qaateen guddiyada u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka oo ay ka wada-hadeen arrimo ku aadan wax ka beddalka dastuurka KMG ka ah, iyaga oo guddoonka labada Aqal ku wareejiyey soo jeedimaha wax-ka-beddelka cutubyada 5-aad ilaa 9-aad ee Dastuurka, iyo jadwalka doodaha soo socda. Cutubyadan ayaa la filayaa in dhawaan lagaga doodo Baarlamaanka, si ay u ansixiyaan ama wax uga beddelaan.

Si kastaba, weli waxaa taagan tabashooyin ka imanaya mucaaradka, gaar ahaan markii hore Villa Somalia iyo Baarlamaanka ay ku guuleysteen in wax laga beddalo 4 cutub ee ugu horreeya Dastuurka, taas oo dhalisay qaylo dhaan iyo khilaaf siyaasadeed oo ka dhex taagan gudaha dalka, gaar ahaan maamullada Jubbaland iyo Puntland.

Qorshuhu wuxuu yahay in dhowaan ay wada-hadallo toos ah yeeshaan Villa Somalia oo ay wehliyaan maamullada taabacsan, halka dhinac ay wadayihiin Jubbaland & Puntland oo mucaaradku ku saf yahay, si xal looga gaaro khilaafka ka dhashay wax ka beddelka Dastuurka iyo hannaanka doorashooyinka, loona xaqiijiyo wada-shaqeyn siyaasadeed iyo xasillooni dalka ka dhaxeysa.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed