Xili maanta ay dood adag oo u dhexeeysay Xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka siyaaba kala duwan baraha bulshada loogu faaqiday ayaa waxaa soo baxay digniin loo jeediyey dhinacyada hadalada afka iska dhaafsaday.
Ergayga arimaha wada-halada ee Dowladda Soomaaliya iyo Somaliland Cabdikariim Xuseen Guuleed oo war qoraal ah soo saaray ayaa sheegay in Xildhibaannada Somaliland ee Muqdisho ku sugan ay u joogaan sida uu isaga aaminsan yahay Qadiyadda midnimada ee Soomaaliya.
“Siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada ka soo jeeda deeganada Somaliland waxay Muqdisho u joogaan deegaanadoodii oga yimaadeen qadiyad ay rumeysan yihiin, una taagan yihiin. Taas oo ah jiritaanka midnimada umadda iyo qaranka Soomaaliyeed, waxayna nooga mudan yihiin qadarin iyo sharaf” ayuu yiri Guuleed.
Sidoo kale, waxaa uu intaasi ku daray isaga oo ka jawaabayey tabashooyin dhanka Jubbaland ayaa waxaa yiri “anigoo ka damqanaya kana xun go’doominta dadka reer Jubaland ay ka sheeganayaan, haddana waa in aynu is ixtiraamnaa, isqadarinaa, aysana qadiyaduhu iskaga keen qaldamin”.
Dood adag oo dhexmartay maanta xildhibaanno oo ka mid ah Golaha Shacabka oo hadal jeedannado ku soo hadal qaaday arimo Somaliland iyo Dowladda Soomaaliya looga hadlayey.
HBN ONLINE TV