Erdogan oo ka shaqeynaya inuu kulansiiyo Xasan Sheekh & Abiy Axmed

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u safray magaalada Ankara, ka dib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggisa Turkiga Recep Tayyip Erdoğan.

Socdaalka Madaxweyne Xasan Sheekha ayaa lagu sheegay in uu daarran yahay ka qeyb galka wadahalo ay garwadeen ka tahay xukuumadda Ankara oo ku aadan dhexdhexaadinta Soomaaliya iyo Itoobiya.

Caasimadda dalka Turkiga ayaa lagu wadaa in uu dib u furmo wajiga seddexaad ee wadahadallada heerka sare u gudbay oo Soomaaliya iyo Itoobiya ah, taasi oo uu Turkigu dhexdhexaadinayo.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qorshuhu uu yahay in marka Erdogan uu kulamo gooni gooni ah la yeesho Xasan Sheekh & Abiy Axmed, ka dibna haddii ay suurtagasho uu dhaco kulan ka toos ah oo ay yeeshaan Madaxweynaha Soomaaliya & Ra’isalwasaaraha Itoobiya.

“Dawladda Turkiga ayaa wadday dadaal iyo wadahadal xal loogu raadinayo xiisadii ka dhex aloosanayd Dawladda Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiiskii isafgaradka sharciraddarada ahaa. Waxaa lagu wadaa in wareegga saddexaad ee wadahalada Ankara ay isku arki doonaan laba wafdi oo ay kala hogaaminayaan madaxweynaha JFS iyo Raysulwasaaraha Itoobiya” ayaa lagu yiri war lagu daabacay warbaahinta afka dowladda ku hadasha.

Sida oo kale warka ka soo baxay Dowladda ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay ku taagan tahay mowqifkeedii hore, kaa soo saldhig ay u tahay in aanay wax gorgortan ah ka gali doonin ilaalinta Midnimada iyo madax-banaanida Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya.

Wadahadallada Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa galay hakad dhowr bilood ah, ka dib markii dhinacyadu ay ku kala tageen Ankara bishii September, iyadoo isu soo dhawaanshaha Muqdisho iyo Addis Ababa uu aad u kala fogaaday.

Dad bdan ayaa is weydiinaya waxa iska bedeli kara mowqifka Itoobiya oo ku hal adeygtay inay hesho aag marinka badda ah si ay u soo afjarto heshiiskii 1-dii  Janaayo ee sanadkan Addis Ababa ku dhexmaray Muuse Biixi iyo Abiy Axmed.

HBN ONLINE TV

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed