Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa maanta daboolka ka qaaday in aan lagu qasbi karin dadka reer Falastiin in mar kale la barakiciyo. Isagoo ka hadlayay shirkii iskaashiga istiraatiijiga ah ee Turkiga iyo Malaysia ee ka dhacay magaaalda Kuala Lumpur, Erdogan wuxuu xusay in “guryaha, dhulalka, iyo goobaha ganacsiga ee ay qabsadeen Israa’iil iyo xooggaga gumeysiga loo celiyo milkiilayaashooda dhabta ah, oo ah reer Falastiin.”
Wuxuu carabka ku adkeeyay in burburka ka dhacay Gaza uu sababay khasaare lagu qiyaasay $100 bilyan, isaga oo mas’uuliyadda dusha ka saaray Israa’iil iyo xukuumadeeda “Netanyahu waa inuu raadiyaa ilo dhaqaale si loo magdhabo burburka Gaza, halkii uu ka raadin lahaa meel lagu barakiciyo Falastiiniyiinta,” ayuu yiri Erdogan.
Madaxweynaha Turkiga wuxuu cambaareeyay falalka Israa’iil ee Gaza, isagoo ku tilmaamay “mid ka mid ah xasuuqyadii ugu naxariis darranaa qarnigan.” Wuxuu xusay in Israa’iil aysan gaarin yoolkeedii istiraatiijiga ahaa sababo la xiriira iska-caabbinta reer Falastiin, wuxuuna si cad u diiday qorshe kasta oo lagu barakicinayo Falastiiniyiinta.
Sidoo kale, wuxuu adkeeyay baahida loo qabo in la dhiso nidaam caalami ah oo cadaalad ah, isagoo dhaliilay Qaramada Midoobay maadaama aysan ka jirin matalaad dhab ah oo Muslimiintu ku leeyihiin. Wuxuu sheegay in aan nabad iyo horumar la gaari karin haddii aysan cadaalad ka jirin.
Hadalka Erdogan wuxuu jawaab u ahaa hadal uu dhawaan jeediyay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, kaas oo soo jeediyay in Sacuudi Carabiya ay dhul siiso dowlad Falastiini ah. Tani waxay daba socotaa hadallo ka soo yeeray Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump, oo ka hadlayay qorshaha lagu barakicinayo Falastiiniyiinta, arrin keentay fal-celin adag oo caalami ah iyo mid goboleed.
HBN ONLINE TV

