Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ka shanqariyay in aysan suurtagal ahayn in la sii wado iskaashiga u dhexeeya NATO iyo Israel.
Hadalkan ayaa waxaa uu ka jeediyay shir jaraa’id oo uu qabtay ka dib markii uu ka qayb galay fadhigii “Golaha NATO-Ukraine” ee qaybta ka ahaa shir madaxeedka NATO ee ka dhacay Washington.
Madaxweyne Erdogan ayaa carabka ku adkeeyay in Turkigu aanu oggolaan doonin hindisayaasha iskaashiga NATO iyo Israa’iil ilaa laga gaaro nabad waarta oo ka dhacda dhulka Falastiiniyiinta.
Erdogan ayaa yiri “Suurtagal ma ahan in la sii wado xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya NATO iyo maamulka Israel, taasoo xadgudub ku ah qiyamka asaasiga ah ee isbaheysigeenna.”
Madaxweynaha Turkiga ayaa sharraxay in xukuumadda Ra’isalwasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, oo leh siyaasad ka fiirsasho la’aan ah oo ay ku baahinayso dagaalka ay taasi khatar gelinayso ammaanka gobolka oo dhan.
Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay in dhammaan kulamadii uu la qaatay shirkii NATO uu ku soo qaatay tacadiyada joogtada ah ee ka socda dhulka la heysto ee Falastiin, gaar ahaan Gaza, waxaana uu xusay in Turkiga uu dacwad ka dhan ah Israa’iil u gudbiyay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ee Hague taasi oo horey ay u soo gudbisay Koonfur Afrika, isagoo ugu baaqay dalalka kale inay dacwad ka gudbiyaan Israa’iil.
Erdogan ayaa farta ku fiiqay in Marinka Qaza uu xasuuq ka socdo tan iyo 7-dii October, iyadoo ku dhawaad 40,000 oo qof oo aan waxba galabsan oo u badan haween iyo caruur ay naftooda ku waayeen weerarada Israel.
Madaxweynaha Turkiga ayaa ku nuuxnuxusaday in nabadd iyo xasilooni caalamka ah aan la gaari karin hadii aysan Israel xal waara ka gaarin arrinta Falastiin.
Israa’iil oo dacwad lagu soo oogay xasuuq ayaa sii waday inay iska indho tirto fulinta go’aannada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo amarada Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda.
Erdogan waxa uu ugu baaqay dhammaan xulafada NATO inay kordhiyaan cadaadiska maamulka Netanyahu la saarato si loo xaqiijiyo xabbad-joojin iyo gargaarka bini’aadantinimo ee aan caqabad lahayn loo fidinayo dadka macaluushu haysato ee Gaza.
HBN Online TV