Afhayeenka hay’adda duulista rayidka ee dalka Iiran Jacfar Yazerlou ayaa sheegay in la joojiyay duullimaadyadii diyaaradda Iran Air ee ay ku tagi jirtay dalalka Yurub kaddib go’aankii cunaqabateynta ahaa ee uu soo saaray Midowga Yurub.
Isniintii, Midowga Yurub ayaa go’aansaday inuu cunaqabatayn ku soo rogo qaar ka mid ah shakhsiyaadka iyo hay’adaha Iiran, oo ay ku jiraan diyaaradaha rayidka ah, iyadoo ku eedeeyay inay Tehran siiyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaalaha Ruushka si uu ugu adeegsada dagaalka Ukraine.
Jacfar waxa uu sheegay in Iran Air ay go’aansatay in ay joojiso duullimaadyadii ay ku tagi jirtay dalalka Yurub, kadib go’aanka cunaqabataynta, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Iran ee IRNA.
Yazerlu waxa uu sheegay in Midowga Yurub uu cunaqabatayn ku soo rogay shirkadaha diyaaradaha ee kala ah Iran Air, Mahan Air iyo Saha taas oo ka hor imanaysa sharciga caalamiga ah.
Ka dib go’aanka midowga, Iran Air waxay joojisay duulimaadyadii ay ku tagi jirtay wadamada Yurub “sababtoo ah ma awoodi doonto inay hesho ogolaansho ay ku degto”, ayuu yiri.
Isniintii, Britain waxay sidoo kale ku dhawaaqday inay cunaqabatayn ku soo rogtay shakhsiyaadka iyo hay’adaha Iran ee ku aaddan gantaaladii Iiran ku weeratray Israa’iil 1-dii Oktoobar taasoo jawaab u ahayd dilkii Ismaaciil Haniya & Xasan Nasrallah oo kala ahaa hoggaamiyayashii Xamaas & Xisbullah.
Cunaqabataynta Midowga Yurub iyo Britain ay ku soo rogeen Iiran ayaa ku soo beegmaysa xilli Israa’iil aan wax cunaqabatayn ah lagu soo oogin iyadoo lagu eedeeyay inay xasuuq iyo dembiyada dagaal ay ka geysatay marinka Qaza iyo weerarada ay ku hayso Lubnaan.
HBN Online TV

