Wararka ka imaanaya dalka Mareykanka ayaa sheegaya in duufaanno xooggan ay baabi’iyeen deegaano badan oo ka mid ah dhawr gobol , iyadoo ugu yaraan 17 qofna ay ku dhinteen.
Saadaaliyeyaasha cimilada ayaa ka digay in heerarka webiyada qaarkood ay kor u sii kici doonaan maalmaha soo socda, taasoo halis gelinaysa dhismayaasha, wadooyinka, iyo buundooyinka.
Roobabka joogtada ah ayaa sababay in si kedis ah biyaha webiyada kor ugu kacaan laga bilaabo Texas ilaa Ohio, iyadoo laga digay in goobo badan ay gaari doonaan heerka loo yaqaan “fatahaadda weyn,” sida uu sheegay Adeegga Saadaasha Cimilada Qaranka.
Toddobaadkii hore, duufaanno xooggan ayaa baabi’iyay xaafado dhan oo gobollo badan ah, ugu yaraan 7 qofna waa ay ku dhinteen.
Fatahaaduhu waxay sidoo kale saameeyeen gaadiidka xamuulka ee waddooyinka waaweyn, iyadoo khubaradu uga digeen in fatahaadaha ay halis gelin karaan sahayda isaga kala gooshaysa dalka, gaar ahaan marinnada muhiimka ah sida Memphis iyo Kentucky
Duqa magaalada Louisville, Craig Greenberg, ayaa sheegay in heerka webiga Ohio uu kor u kacay 1.5 mitir 24 saacadood gudahood, isagoo raaciyay: “Waxaan filaynaa in tani ay noqon doonto mid ka mid ah 10ka fatahaadood ee ugu xun taariikhda Louisville.”
Digniino degdeg ah oo fatahaadaha ah ayaa laga bixiyay gobollada Arkansas, Mississippi, Tennessee iyo Kentucky, halkaas oo xaalad degdeg ah laga soo saaray qaybo badan. Boqolaal waddooyin ah ayaa la xiray gudaha Kentucky sababtoo ah fatahaado iyo dhul go’o ayaa halkaa ka jira, iyadoo barakac khasab ah lagu amray magaalada Falmouth ee webiga Lakeing kadib markii la saadaaliyay in fatahaaduhu gaari doonaan heerar musiibo ah sida kuwii ka dhacay gobolka 30 sano kahor.
Saadaasha cimilada ayaa sheegtay in xaaladaha cimilada daran ay ka dhasheen isku dhafka heerkul sare, jawi aan degganayn, iyo huurka sare ee ka imanaya Gacanka Mexico, oo ay weheliyaan dabaylo xoog leh.
Musiibadan ayaa ku soo beegantay xilli Adeegga Saadaasha Cimilada Qaranka uu wajahayo dhibaato gudaha ah, iyadoo kala bar xafiisyadooda ay qabaan shaqaale yari dhan 20%, taasoo ka dhalatay go’aannadii maamulka Madaxweyne Donald Trump uu ku dhimo shaqaalaha dawladda federaalka, taasoo laba laabantay marka la barbardhigo toban sano kahor.
HBN ONLINE TV