Golaha Deegaanka ee magaalada Hargeysa ayaa maanta si rasmi ah xilkii uga qaaday maayirkii caasimadda Cabdikariin Axmed Mooge iyo ku-xigeenkiisii Khadar Axmed Cumar, kaddib fadhi ay yeesheen xubnaha golaha deegaanka.
Mooshinka oo shalay si rasmi ah loo soo gudbiyey ayaa lagu eedeeyey maayirka iyo ku-xigeenkiisa arrimo la xariira sida la sheegay gudasho la’aanta waajibaadka shaqo iyo tabashooyin kale oo dhinaca maamulka ah, inkasta oo aanu isu ka jawaabin.
Cabdikariin iyo Khadar ayaa xilka maamulka Hargeysa loo doortay 17-kii July 2021, iyaga oo ka soo kala kala galay xisbiyada Waddani iyo UCID, kuwaas oo xilligaasi ahaa xulafo siyaasadeed, sida aan ka soo xiganay Warbaahinta gudaha Somaliland.
Inkasta oo Cabdikariin Axmed uu horey u sheegay inuu ka qorshaynayo inuu xilka iska casilo, haddana golaha deegaanka ayaa si rasmi ah maanta xilka uga qaaday ka hor intii aanu ku dhawaaqin go’aan rasmi ah oo uu kaga degayo jagada.
Go’aankan ayaa noqday mid taariikhi ah, iyadoo Cabdikariin Axmed Mooge uu noqday maayirkii ugu horreeyey ee soo mara Hargeysa oo Golaha Deegaanku xilka ka qaado tan iyo markii Somaliland qaadatay nidaamka is doorashada.
Dhanka kale, waxaa isla maanta Maayirka cusub ee magaalada Hargeysa loo doortay Eng Cabdirisaaq Maxamed Faarax ( Wiiwaa), isaga oo caasimadda hoggaamin doonon labada sano ee soo socda, halka isna ku xigeenkiisa loo doortay Eng Aadan Jaamac Xaddi ( Mideeye).
Eng Wiiwaa waxa uu sannadkii 2021-kii ka mid ahaa mudaneyaashii xisbiga Waddani uga soo baxay magaalada Hargeysa, halka Eng Mideeye uu isaguna sannadkii 2021-kiii ka mid ahaa mudaneyaashii magaalada Hargeysa uga soo baxay xisbiga mucaaridka ah ee Kulmiye.
HBN ONLINE TV

