Duqeyn sababtay dhimasho & dhaawac soo gaaray dad rayid ah oo ka dhacday Shabeelaha Hoose

Ugu yaraan 5 qof ayaa ku dhimatay 13 kalena waa ay ku dhaawacmeen duqeyn ka dhacday degmada Bariire ee Gobolka Shabaalaha Hoose, taasi oo sida la sheegay lagu beegsanayay Al Shabaab, hase yeeshee dad rayid ah haleeshay, sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo kala duwan.

Dadkan oo ahaa beeraley ayaa qaarkood dhaawacoodu la sheegay in uu halis yahay oo lugaha ka go’een. Mid ka mid ah haweenka dhaawaca ah ee la keenay isbitaalka ayaa sheegtay in afar caruur ah oo ay dhashay iyo gabar walaasheed ay ku dhinteen duqeyntaas.

Inkastoo duqeyntan ay sababtay dhimashada & dhaawaca dadkan rayidka haddana, Dowladda Soomaaliya ayaa sheegatay in duqeyn ka dhacday duleedka Bariire ay xubno Al Shabaab ah ku dishay, sida ay sheegtay wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Sheekh Abuukar Macalin oo ku sugan gobolka Shabeellaha Hoose oo faahfaahin ka bixiyay howlgalkan maanta ka dhacay duleedka Bariire ayaa sheegay in howlgalkan hadafkii laga lahaa la gaaray, isaga oo xusay in howlgalkan ay fuliyeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Sheegashada dowladda ka sokow ma jirto wax cadeyn ah oo ay soo bandhigeen ciidamada dowladda oo ah xubnaha la dilay iyo cida ka caawisay duqeyntaan dowladda Soomaaliya.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed