Duqeyn lagu dilay in ka badan 20 Alshabaab ah oo ka dhacay Shabeellaha Hoose

Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in inka badan 20 xubnood oo ka tirsan kooxda Alshabaab lagu dilay howlgal qorsheysan oo isugu jiray duqeymo dhinaca cirka ah iyo dagaal toos ah oo laga fuliyay gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka oo dhacay 72-dii saac ee la soo dhaafay ayaa waxaa iska kaashaday sida ay sheegtay wasaaradda Gaashaandhigga, Ciidanka Xoogga Dalka iyo saaxiibbada caalamka, waxaana lagu beegsaday xubno ka tirsan Alshabaab oo ku sugnaa deegaanka Buulo Cabdalla oo u dhexeeya deegaanada Mubaarak iyo Ugunji.

Sida ay sheegtay wasaaraddu, howlgalka waxaa lagu dilay 22 dagaalyahan oo ka tirsan kooxda oo uu ku jiray horjooge magaciisa lagu soo koobay Cabdiraxmaan Jeeri oo lagu eedeeyay inuu dhibaatooyin u geystay shacabka deegaanka.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay inay sii laba-jibbaari doonto howlgalada ka dhanka ah Alshabaab si loo ciribtiro sida ay hadalka u dhigtay kooxdaasi—loona xaqiijiyo amniga guud ee dalka. Dowladda ayaa sidoo kale uga mahadcelisay saaxiibbada caalamka taageerada ay ku bixiyaan howlgalada lagu sugayo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed