Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa faahfaahin ka bixiyay duqeyn cirka ah oo ay ka fuliyeen koonfur-bari magaalada Boosaaso ee gobolka Bari Soomaaliya, taasoo lagu bartilmaameedsaday kooxda Daacish ee Soomaaliya.
Bayaanka ka soo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntan oo dhacday 15-kii Juun 2025 ay ahayd mid si gaar ah loogu beegsaday xubno ka tirsan kooxda, si loo wiiqo sida hadalka loo dhigay awoodda ay u leeyihiin inay qorsheeyaan una fuliyaan weerarro khatar ku ah amniga gudaha Mareykanka, ciidamada Mareykanka, iyo muwaadiniintiisa dibadda ku sugan.
Howlgalka ayaa la fuliyay iyada oo iskaashi buuxa laga helay si la tilmaamay Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo AFRICOM ay xustay in duqeyntani qeyb ka tahay dadaallada lagu ciribtirayo kooxaha xagjirka ah ee khatarta ku haya ammaanka caalamka iyo gobolka.
Ma jiro war faahfaahsan oo laga helay khasaaraha ka dhashay duqeynta, xili Duqeyntan ayaa muujisay sida la carrabaabay sii socoshada iskaashiga amni ee u dhexeeya Mareykanka iyo Soomaaliya, si loola dagaallamo kooxaha argagixisada ah ee ka hawlgala gudaha dalka.
HBN ONLINE TV