Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa sheegtay in in iyada oo kaashanaysa Taliska AFRICOM ee Ciidamada Mareykanka, ay si wadajir ah u fuliyeen howlgal duqeyn ah oo ka dhan ah Daacish gobolka Bari.
Duqeyntan oo dhacday maanta, waxaa lagu beegsaday sida hadalka loo dhigay maleeshiyaad iyo horjoogayaal ka tirsan Daacish, kuwaas oo isku aruursanayay koonfur-bari magaalada Boosaaso, iyada oo dowladda Soomaaliya ay sheegtay in lagu taageeriyey Ciidanka Puntland.
Bayaan ka soo baxay DFS ayaa yiri “Qiimeynta horudhaca ah ee howlgalkan waxay muujinaysaa in xubno badan oo ka tirsan ISIS la dilay, iyadoo aanay jirin wax rayid ah oo waxyeello soo gaartay”.
Dowladda ayaa balan qaaday in iyada oo kaashanaysa saaxiibada caalamka sida Taliska AFRICOM ee Mareykanka ay sii wadi doonto dagaalka la gula jiro kooxaha loo yeero argagixisada ah sida ISIS iyo Al-Shabaab, kuwaas oo ay tilmaantay inay khatar ku yihiin nabadgelyada Soomaaliya iyo caalamka.
HBN ONLINE TV