Wasaaradda Gaashaandhigga ee Soomaaliya ayaa sheegtay in duqeyn dhinaca cirka ah oo ka dhacday deegaanka Gasarta oo u dhexeeya magaalooyinka Baydhabo iyo Daynuunaay ee gobolka Baay lagu dilay 12 xubnood oo ka tirsan Kooxda Alshabaab.
Faahfaahintan ka soo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in duqeyntaasi ay aroornimadii hore ee maanta fuliyeen Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, halka tiro kale oo ka tirsan Alshabaab lagu dhaawacay weerarkaasi, inkastoo aan la shaacin tirada rasmiga ah ee dhaawacyada.
Howlgalkan ayaa lagu sheegay inuu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee dowladda Soomaaliya ay ku dooneyso in lagu wiiqo awoodda Alshabaab, isla markaana lagu sugo amniga guud ee dalka, halka la ballan qaaday in la sii wadi doono howlgallada noocan oo kale ah si loo ciribtiro khatarta kooxaha argagixisada.
Duqeynta waxay ku soo aadaysa iyada oo ay gobolka ku sugan yihiin madaxweyne Xasan Sheekh, wasiiro, xildhibaano iyo masuuliyiin kale oo ka mid ah dowladda Federaalka oo Koonfur Galbeed u joogaan dhismaha maamulka cusub ee bedeli doonii kii hore ee sida xoogga ah meesha looga saaray.
HBN ONLINE TV

