Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya NISA oo kaashanaysa saaxiibada caalamka, ayaa sheegtay inay xalay fulisay howlgal qorsheysan oo ka dhacay Isgoyska Gayacad ee u dhow deegaanka Mabaax ee gobolka Hiiraan. Howlgalkaas ayaa lagu dilay 15 xubnood oo ka tirsan Alshabaab, kuwaas oo isugu jiray maleeshiyaad iyo horjoogeyaal, halka shan kalena lagu dhaawacay si culus.
Howlgalka ayaa dhacay saddex mar oo kala duwan intii lagu jiray xalay, wuxuuna beegsaday koox Alshabaab ah oo laga soo abaabulay sida hadalka loo dhigay degmada Aadan Yabaal iyo deegaanka Ceel Cali Axmed ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo qorshahoodu ahaa in ay gurmad ahaan ugu biiraan kooxda kale oo go’doon ku ah deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan.
In kasta oo kooxda Alshabaab isku dayday inay ku dhuumaaleysato dhulka howdka ah, haddana saddexda howlgal ayaa ku soo dhammaaday sida NISA bayaankeeda ku sheegtay guul buuxda, iyadoo la xaqiijiyay dhimashada 15 xubnood iyo dhaawaca shan kale.
Howlgalka ayaa weli socda, waxaana socda raad-raac lagu hayo sida hadalka loo dhigay firxadka maleeshiyaadka baxsadka ah ee ku kala firxaday goobihii lagu beegsaday.
HBN ONLINE TV