Ku dhawaad 20 xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Alshabaab ayaa lagu dilay howlgal duqeyn ah oo saacadihii la dhaafay ka dhacay deegaanka Jabad Godone ee gobolka Shabeellaha Dhexe, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.
Howlgalka oo ahaa mid dhanka cirka ah ayaa waxaa si wadajir ah u fuliyay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka, sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya. Wararka ayaa sheegaya in duqeynta lagu bartilmaameedsaday goobo ay Alshabaab u adeegsan jireen abaabulka qaraxyada iyo qorsheynta weerarrada ka dhanka ah dadka shacabka ah iyo hay’adaha amniga.
Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa xaqiijisay in howlgalkaasi lagu dilay ilaa 17 xubnood oo ka tirsanaa Alshabaab, kuwaas oo door muhiim ah ku lahaa falalka amni darrada ah ee ka dhaca gobolka Shabeellaha Dhexe.
Sidoo kale, war-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in duqeynta lagu burburiyay hub iyo gaadiid ay kooxda u adeegsan jirtay weerarrada ay ku dhibaateeyaan dadka shacabka ah, taasoo si weyn u wiiqday awooddooda hawlgal iyo dhaqdhaqaaq.
Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada militari ee joogtada ah ee ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka wadaan deegaannada ay Al-shabaab kaga sugan yihiin gobolka Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo lagu doonayo in lagu xaqiijiyo amniga, laguna ciribtiro kooxaha argagixisada ah ee khatarta ku ah shacabka iyo xasilloonida dalka.
HBN ONLINE TV

