Duqeyn DFS iyo Mareykanka isku kaashaday oo ka dhacday Ceel-Baraf Shabeellaha dhexe

Dowladda Soomaaliya oo faahfaahin ka bixyey howlgal duqeyn ah oo laga fuliyey deegaanka Ceel-Baraf ee gobolka Shabeellaha dhexe ayaa la sheegay in lagu dilay xubno badan oo Alshabaab ah ka dib markii la beegsaday baabuur ay la socdeen oo siday sida warka loo dhigay ay saarnaayeen qaraxyo.

Howlgal duqeyn ah oo ay iska kaashadeen Ciidanka Soomaaliya iyo Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa la tilmaamay in si guul ah looga fuliyay deegaanno hoos taga magaalada Ceel Baraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe ee Hirshabeelle.

Qiimeynta xogta hordhaca ah ayaa dowladda Soomaaliya ku sheegtay in aanay jirin wax khasaare ah oo soo gaaray rayidka inta lagu guda jiray hawlgalka, Bayaanka ka soo baxay Ciidamada Qalabka Sida ayaa lagu sheegay in weli ay ku guda jiraan sida warka loo dhigay “dhameystirka iyo qiimeynta howlgalada iyo duqeymaha lagu bartilmaameedsanayo” Alshabaab, iyaga oo carrabaabay in kooxdu qatar ku tahay jiritaanka iyo nabadgelyada bulshada Soomaaliyeed iyo dunida inteeda kale.

Dagaallo saf-ballaaran ah oo ay dhowrkii todobaad ee ugu dambeeyey oo kooxdu ku qaaday deegaanno ka tirsan Hirhabeellaha ayaa waxaa aan u suurtagalin in gacanta ku dhigto goobahaasi, iyada oo la kulantay cadaadisyo adag oo Duqeyn u dheereyd.

DFS ayaa sheegtay in weeraradaasi ay socdeen in lagu dilay xubno badan oo kooxda ah iyo burbur xooggan oo loo geystay sida warka loo dhigay gaadiid badan Alshabaab ah.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed