Ilo ka tirsan militariga Suudaan ayaa u xaqiijiyay warbaahinta in 11 qof oo ay ku jiraan 4 askari ay ku dhinteen duqeyn lagu beegsaday xarunta qeybta 18-aad ee ciidanka iyo saldhig shidaal oo ku yaalla magaalada Kosti ee dhacda koonfurta wadanka Suudaan. Waxaana sidoo kale la sheegay in dad kale oo badankood ahaa ciidamada gaarka ah ay ku dhaawacmeen weerarkaasi.
Warka ayaa intaasi ku dartay in duqeymo hor leh ay ciidamada RSF ku bilaabeen waaberigii saaka xarunta qeybta 18-aad, balse ay la kulmeen iska caabin kaga timid ciidamada cirka.
Warbixintu waxay sheegtay in dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ee dhanka militariga ay ka mid ahaayeen ciidamada gaarka ah iyo kuwo kale oo ka tirsan Dhaqdhaqaaqa Xoraynta Suudaan (SLM) ee uu hoggaamiyo Mustafa Tanbour, kuwaas oo ka garab dagaallamaya ciidamada dowladda.Sidoo kale, ilo dhanka milatariga ah ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in 11 askari lagu dilay duqeyn diyaaradeed oo xoogaga RSF ay ku beegsadeen xarun shidaal oo ku taalla gobolka Darfur.
Waxaa intaa dheer in 3 qof oo rayid ah la dilay, qaar kalena la dhaawacay, kaddib markii diyaarado aan duuliye lahayn oo RSF ay leeyihiin ay duqeeyeen xarun barakacayaal oo ku taala magaalada Al Fasher oo ah caasimadda gobolka Waqooyiga Darfur. Iyadoo Ciidanka dowladda ay sheegay inay weerareen goobihii laga soo duqeeyay ee RSF ay ku sugnaayeen.
Warbaahinta militariga ee qeybta lixaad ee ciidanka Suudaan ee magaalada Al Fasher ayaa xalay shaacisay in 41 qof oo rayid ah oo ay ku jiraan carruur iyo haween lagu dilay duqeymo madaafiic ah oo RSF ay ku qaaday qaybo kala duwan oo ka mid ah magaalada Al Fasher, iyadoo ay jiraan tiro badan oo dhaawac ah.
Duqeymuhu waxay saameeyeen qaybo badan oo magaalada ah, inkasta oo militarigu sheegay in xaaladda Al Fasher ay haatan gacantooda ku jirto, islamarkaana ay weli ku sugan yihiin goobahoodii difaaca. Ciidamada wadajirka ah ee taageersan dowladda ayaa sheegay inay guulo ka gaareen dagaalka, iyagoo tilmaamaya in ay jabiyeen xogagii RSF ee dagaalka ku soo qaaday.
Dhankooda, RSF waxay ugu baaqeen ciidamada dowladda iyo kuwa wadajirka ah inay si nabad ah uga baxaan magaalada Al Fasher, ayna sugaan waddooyinka lagu baxayo. Waxay intaa ku dareen inay ka go’an tahay in la furo waddooyin ammaan ah oo ay isticmaali karaan dadka rayidka ah ee doonaya inay ka baxaan magaalada.
RSF ayaa muddo sanad ka badan isku dayaysay inay la wareegto magaalada Al Fasher, oo qiyaastii 800km u jirta caasimadda Khartuum, iyadoo si isdaba joog ah u weerartay magaalada iyo xeryaha waaweyn ee dadka macaluushu barakicisay.Dagaalka Suudaan ee billowday 15-kii Abriil 2023, ayaa sababay dhimashada tobannaan kun, iyadoo in ka badan 14 milyan oo qofna ay ka barakaceen dalka gudihiisa ama dibaddiisa.
HBN ONLINE TV