Duqeyn culus oo ka dhacday deegaanka Tardo iyo xogta dheeraad ah

Wararka ka imanaya deegaanka Tardo ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay diyaarado dagaal ay duqeyn culus ka fuliyeen guri ay ku sugnaayeen horjoogayaal sare oo ka tirsan Alshabaab, oo ay ka mid yihiin Waaliga kooxda ee gobolka iyo taliyaha ciidanka kooxdaee Hiiraan, sida ay aan kasoo xiganay ilo dhanka ammaanka ah.

Jugta duqeynta ayaa si weyn looga maqlay deegaannada ku dhow iyo kuwa fog, hase yeeshee wali lama xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay. Ilo amni ayaa sheegay in bartilmaameedka uu ahaa xarun istiraatiiji ah oo kooxda ay ku lahaayeen gudaha deegaankaas.

Ma jiro weli war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan khasaaraha weerarka, marka laga reebo jiritaanka xogta iyo duqeynta.

Deegaanka Tardo ayaa dhowaan waxaa la wareegay maleeshiyaadka Alshabaab, kaddib markii ay ka baxeen ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ee Macawiisleyda. Duqeyntan ayaa imaaneysa iyadoo weli gobolka Hiiraan uu ka socdo dhaq-dhaqaaq ciidan oo looga gol leeyahay dib-u-qabsashada deegaannada ay kooxda ku sugan tahay.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed