Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeymo culus oo ay fuliyeen diyaarado dagaal, kuwaas oo ka dhacay deegaanka Ceeldheere, oo ku yaalla xadka u dhaxeeya gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.
Duqeymahan ayaa yimid kadib dagaal culus oo dhex maray ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubno ka tirsan Alshabaab, kaasoo ka dhacay isla deegaanka Ceeldheere. Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in dagaalkaasi uu sababay khasaare kala duwan.
Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay weerar ku qaadeen goob ay ku sugnaayeen maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab oo ku dhuumaaleysanayay Ceeldheere, taas oo keentay in duqeymo cirka ah lagu taageero howlgalka.
Waxaa jira khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay duqeymaha iyo dagaalka, inkasta oo ilaa hadda aysan dowladda Soomaaliya si rasmi ah uga hadlin tirada waxyeellada.
Maalmihii la soo dhaafay, ciidanka dowladda oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa waday howlgallo ka dhan ah Alshabaab, kuwaasoo ka socda deegaano kala duwan oo ka tirsan gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe, iyadoo la doonayo in laga saaro kooxdaasi dhulka ay kaga sugan tahay gobolka bartamaha Soomaaliya.
HBN ONLINE TV