Turkiga ayaa maanta sheegay in ay dileen 23 maleeshiyo oo Kurdi ah oo ku sugnaa waqooyiga Suuriya, taasoo qeyb ka ah weerarrada joogtada ah ee ay ku hayaan kooxaha PKK & YPG ee Kurdiyiinta.
Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa sheegtay in maleeshiyaadka la dilay ay ka tirsanaayeen Cutubyada Difaaca Shacabka (YPG) oo ah koox Kurdi ah oo Suuriya ka dagaallanta, iyo Xisbiga Shaqaalaha Kurdistan (PKK) oo mamnuuc ka ah dalka Turkiga.
Turkiga wuxuu u arkaa YPG inay tahay laan ka mid ah PKK, halka Mareykanka uu labada kooxood u kala saaro laba urur oo kala duwan. Washington waxay mamnuucday PKK, iyadoo u aqoonsatay urur argagixiso ah, balse waxay si dhow ula shaqeysaa Cutubyada Difaaca Shacabka (YPG) ee Suuriya, iyagoo iska kaashanaya dagaalka lagula jiro kooxda Daacish ee dalka Suuriya.
Turkiga ayaa muddo dheer dalbanayay in Washington ay joojiso taageerada ay siiso YPG, wuxuuna rajo ka muujiyay in Trump uu dib u eegi doono siyaasadda maamulkii Madaxweyne Joe Biden.
Ciidamada Turkiga iyo xulafadooda ayaa si isdaba joog ah dagaallo ula galay maleeshiyada Kurdiyiinta ee Suuriya tan iyo markii Madaxweyne Bashar al-Assad xukunka laga tuuray bishii December.
Turkiga wuxuu ku adkaystay in ciidamada SDF oo ah isbahaysi uu taageero Mareykanka una badan kooxo hubeysan oo ay ku jiraan YPG, ay hubka dhigaan ama ay wajihi doonaan faragelin militari.
Intii uu xilka hayay Madaxweyne Biden, Mareykanka waxaa la joogay Suuriya 2,000 oo askari kuwaasoo la dagaallamayay Daacish iyagoo garab siinaya SDF iyo YPG.
HBN Online TV